
OPM Somalia 🇸🇴
@SomaliPM • 668,893 subscribers
Official @X account of the Prime Minister of the Federal Republic of Somalia.
Videos

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la xiriiray dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.
OPM Somalia 🇸🇴31,256 просмотров • 6 месяцев назад

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlay xaaladda dalka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dhageysiga aragtida siyaasiyiinta ka aragtida duwan balse aan la aqbali karin in khalkhal la galiyo amniga iyo xasilloonida dalka.
OPM Somalia 🇸🇴13,569 просмотров • 2 месяцев назад

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo la hadlay shacabka Soamaaliyeed, ayaa la wadaagay guulihii laga gaaray Madasha Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuuna soo bandhigay halka uu maraayo shirka Golaha ee maalmahaan ka socda Magaalada Muqdisho
OPM Somalia 🇸🇴57,597 просмотров • 1 год назад

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada XJFS. Liiska xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa warbaahinta u akhrisay Agaasime ku-xigeenka Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Nasra Bashir Ali
OPM Somalia 🇸🇴64,887 просмотров • 2 лет назад

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan degdeg ah ku ansixiyay heshiis taariikhi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah, oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed – isaga oo ka hadlay ahmiyadda heshiiskani u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. 👇
OPM Somalia 🇸🇴65,793 просмотров • 2 лет назад

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farhan Jimale ayaa ka warramaya ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre uu ku tagayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, oo uu ku tilmaamay in uu yahay 𝗦𝗮𝗳𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗶𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮.
OPM Somalia 🇸🇴39,848 просмотров • 1 год назад

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta shir-guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray amniga dalka doorashooyinkii ka qabsoomay caasimadda iyo midnimada dalka.
OPM Somalia 🇸🇴15,400 просмотров • 6 месяцев назад

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre oo ka hadlay difaaca, qaranimada iyo midnimada bulshada, isagoo ku booriyay shacabka inay ilaaliyaan wadajirka iyo madaxbannaanida dalka. Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay iskaashi la samaysato dal kasta oo dan u ah dadka iyo dalka.
OPM Somalia 🇸🇴33,281 просмотров • 1 год назад

Raiisul Wasaare Hamza Abdi Barre “Gooni-isku-taag doonku, maanta waxa uu halis ku yahay dowladnimada, wadajirka iyo wada-noolaanshaha ummadda Soomaaliyeed; wuxuu halis ku yahay in dalka qayb kamid ah bad iyo barri ummado kale loo gacan geliyo oo loogu yaboohayo sidii loo soo dajin lahaa. Arrintaas oo halis ku ah jiritaanka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxaana dabar-go’aya afkii iyo dhaqankii Soomaaliga oo isaguna halis ku jira”
OPM Somalia 🇸🇴12,239 просмотров • 6 месяцев назад

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre , oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la horumariyo adeegyada garoonka Muqdisho ayaa maanta kormeer ku tagay qaybaha kala duwan ee garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.
OPM Somalia 🇸🇴16,567 просмотров • 10 месяцев назад

Habeenka waxaa ugu madow saacadaha dambe , waxaan aaminsanahay in dagaalka Soomaaliya sababta uu u adag yahay , waxaynu garaacnay meelo aan la garaaci jirin, waxaan go’aan ku gaarnay in aan isku filnaano, taas ayaa la diidan yahay, diid, ama yeel May shidaal qodis baa bilaaban.
OPM Somalia 🇸🇴10,818 просмотров • 6 месяцев назад

“Waxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa nasiib wanaag ah in caawa Calanka Buluugga ah uu ka taagan yahay qeybo badan oo kamid ah gobollada waqooyi, waxaan joognaa xilligii ay dadka Soomaaliyeed ugu baahida badnaayeen nabad iyo midnimo, booqashada taariikhiga ah ee aan ku imid Laascaanood waa mid ka turjumasa adkaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
OPM Somalia 🇸🇴18,873 просмотров • 1 год назад

Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre “Muuqaalka aan ka aragnay baraha bulshada ma ahan wax la aqbali karo, gabdhaha yaan lagu qasbin in habeenkii ay yimaadaan ama seexdaan banaanka, amnigooda ayay qatar ku tahay mana qurxoona, jadwalada shaqada badiya si culeysku u yaraado, in adeeegga loo fududeeyo bulshada ayaa muhiim ah”.
OPM Somalia 🇸🇴12,607 просмотров • 8 месяцев назад

H.E. Deputy Prime Minister Salah Jama has officially launched #Somalia’s food systems and nutrition council in Mogadishu today. Speaking at the gathering, DPM Jama passionately emphasized the need for sustainable solutions to tackle hunger and improve nutrition across the country.
OPM Somalia 🇸🇴29,319 просмотров • 2 лет назад