
Cali Yare Cali
@AliYareAli • 36,106 subscribers
FRM Deputy Mayor of Mogadishu and Cheif of Security and Political affairs | Fmr. Advisor to the Presidency & office SomaliaPM
Shorts
Videos

Oo yacni maba lala xishoonayo xataa ee kor ayaaba loo naadinayaa miyaa? "waa dhulkii madaxweyne Xasan Sheekh na siiyay oo ahaa dhulkii kawaan-bari"— kuyeh-waaba ku celcelinayaa ka waran? Muuqaalkan waxaa kaloo laga garanayaa in bulshadu ku qanacday wacyigelintii indheergaradka culimadu ugu horreysa ee bulshada la faray in aanay iibsan dhulkii hantida danta guud ee la boobay.
Cali Yare Cali19,135 Aufrufe • vor 2 Monaten

Xasanoow Farmaajo wuxuu madaxtooyada ka soo baxay: 1. Isagoo doorasho qabtay, natiijadiina aqbalay 2. Isaga oo heybaddii Soomaali laheyd soo celiyay 3. Aan iibsan hantidii guud ee dalka 4. Baddii Soomaaliyeed inuu soo celiyo ku guuleystay 5. Kursi golaha amniga qaramada midoobay dalbay 6. Dhisay 16,000 oo ciidan tabbobaran ah diyaariyay kuwaas oo weli jooga iyaga oo aan waxba lagu darin 7. Tabbobar ay ku maqanyihiin 5,000 oo askari 8. Ethiopia aanay u yeeran madaxda maamullada 9. Isaga oo eed-laawe ah, lugeynaya, ay xaaskiisa gacmaha is heystaan ayuu ka soo baxay 10. Haddana isagoon qofna dacwo u qabin ayuu dagganyahay guri laamiga saaran. EE ADIGA MAXAA KUU DHAQAN MAANTA? 1. Hantidii lagugu wareejiyay waad iibsatay 2. Ciidankii 3 guuto waad burburisay. 3. 5-tii kun ee Eritrea hal Urur oo Xarardheere jooga ayaa maanta ka nool 4. Badda lagugu wareejiyay waatan maanta Seylac nalagu heysto. 5. Deni iyo Madoobe Addis Ababa ayay u aadaan si ay Bun uga soo cabaan 6. Dalkii waa kala tagay 7. Qoyskaaga iyo qarankii ayaa isku milmay. 8. Hadal kasta oo aad shalay sheegtay bilcagsigiisii ayaad maanta ku dhaqantay. Hor-ilaaheey iyo Hiraabnimo haddaan kuugu hiilliyo alleylehe waad ka raysalwasaare roontahay oo isagu kii duruufeysnaa oo uu keensaday waataad adiguniibsatay laakiin kaad adigu keensatay in la is-iibsado xataa isagu maba fahamsana waa kuu faa'iido aad Farmaajo dheertahay.
Cali Yare Cali12,021 Aufrufe • vor 1 Monat

Walaalaheen reer Waqooyi waa in ay doodda xamilaan runtana ku qancaan. [1] Waa marqaati-madoonto in walaalaheen Reer Waqooyi ay si walaalnimo iyo sharaf leh ay calanka iyo midnimadaba u keenaan Koonfur. [2] Waa xaqiiqo in laga abaal dhacay oo si gunnimo leh loola dhaqmay halkii abaalkooda laga celin lahaa. [3] Dood kama taagna in labadaas qodob ee hore loogu daray in magacii qaranka Soomaaliyeed lagu xasuuqay oo dhibaato nooc kasta leh loo geystay heer loo soo kireeysto calooshood-u-shaqeeystayaal Koonfur Afrika u dhashay. [4] Somaliland/Isaaq, isla intii ay ka cabanayeen. [5] Somaliland/Isaaq, waxeey ka cabanayeen ciidankii qaranka ayaa duqeeyay isla magaaladii Hargeysa 2022 ayayna isla intii Laascaanood ka geysteen kuna xasuuqeen caruur, haween, culumo, abwaano iyo rayidka qeybihiisa kala duwan. [6] Reer Waqooyi/Somaliland/Isaaq waxeey ku doodayeen "waxaan xaq u leenahay inaan is maamulno oo aan aayaheenna ka tashanno isla intii ayay Reer Laascaanood ka diideen, kuna xasuuqeen. [7] Xasuuqii 1988 mid kun u jibbaar kana qaraar badan oo aan qofna la dhaafin ayay Koonfur ka geysteen walaalaheen reer Waqooyi (Mashruuca Alshabaab oo Hargeysa lagu sameeyay 2002 sida uu Godane maqal iyo muuqaal ku sheegay). [8] Haddii ay ku doodaan inama matalaan Godane, Caraale, Afgaan, Nageeye, Sunne, Gamadiid iyo Guuleed Ilkacase innaguna waxaannu miiska soo saaraneeynaa in Maxamed Siyaad Barre, Moorgan, Gaani iyo Cali Samatar iyo Xuseen Kulmiye aanay Koonfur matalin oo ay ahaayeen niman xoog ciidan nagu qabsaday 1969, Koonfur iyo Waqooyi ayayna iskugu jireen raggaasi. [9] Haddii ay walaalaheen Reer Waqooyi/Isaaq ku doodaan; Maxaa Godane iyo kooxda reer Waqooyi ee Koonfur xasuuqa ka geystay kaligood loo soo hadalqaadayaa soow rag reer Koonfur ahi xasuuqa kuma wehliyaan? innaguna waxaan idin kula doodeeynaa soow Muuse Biixi, Maxamed Kaahin, Ismaaciil Cali Obokor, Ina Yoonis Habane, Cirro, Abdirahman Tuur iyaguba kama mid aheyn madaxdii dowladdii milatariga? FG: Iyada oo aan Ilaaheey, nabiga iyo waalidka la caayin, waad na necebtahayna iyo hadallo qiiro jabbaan ahna aan fagaaraha lala imaan dooddan maxaad ku burin kartaan walaalayaal Isaaqoow?
Cali Yare Cali24,310 Aufrufe • vor 11 Monaten

Xasan wuxuu August 6,2020 shirkii Mudulood ee Muqdisho ka yiri hadalkaan "waxkasta oo aanay dadkaani [Mudulood] aqbalin qaanuun maahan, sharcina maahan, mana dhaqan geli karaan" October 15,2024 oo shalay ah markale waa Xasan oo qabaa'illo soomaaliyeed oo aayahooda si nabdoon uga tashanaya duraya oo naleh " Soomaaliyeey qabiil waa uf ee ka carara". Madaxweynaheennu waa imisa ruux?
Cali Yare Cali31,335 Aufrufe • vor 1 Jahr

Xamsihii Xasan ayaa hadda muuqaal uu soo duubay bulshada la wadaagay. Waxaa sidii mingiska oo kale uga soo dhex hadlay Xasankii lahaa. Wuxuu ka sheekeeyay taariikh nololeed-kii madaxweynaha sidii inuu nadaxweynihii geeriyooday oo kale. Wuxuu isticmaalay muuqaalkii bogga Xasan lagu faafiyay xilligii uu ololaha doorashada ku jiray. Xamse isaga waxba dhihi meeyno waayo wax gacantiisa ku jira oo lagu eedeeyo ayaanba jirin. waloow ay aheyd inuu garto in isaguba uu ku jiro dadka aan xuquuqdooda raadineeyno oo dhibban. Xasan doraad wuxuu ka soo hadashiiyay Agaasimihiisa warfaafinta, shalay wuxuu ka hadashiiyay hindigii madoobaa, ugu danbeyn caawana wuxuu ka soo dhex hadlay XAMSIHIISII. Rajo lagama qabo in kacdoonku joogsado inta Xasan cudurdaar ka bixinayo gefkii uu dhallinyarada soomaaliyeed u geeystay Jimcadii August 9,2024. Daaroodoow ma waxaan idinka aqbalnaa, ninkaan, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Maxamed Siyaad Barre iyo Cabdullahi Yuuusf ayuu abtiriskoodu isku meel ku arooraa?
Cali Yare Cali26,428 Aufrufe • vor 1 Jahr

Innaalillaahi qaracan weynaa!! Alle hortiis kani waa muuqaal aanu ilmadi ceshan karin qofkii damiir bin'aadamnimo iyo islaamnimo leh oo ayy dhibic dhiig ah jirkiisa ku jirto. Waayeel cirroole ah, caalim ah, caabid ah, saahid ah, faqri ah, ee inta gacmaha iyo kitaabkiisa kor u taagay, allihiisa gacmaha u hoorsaday isaga oo ilmeeynaya oo rabbigiisa oo aan labadooda loo dhaxeeyn kuleh "Ilmahoow waa nala dulmiyay, ilaahoow madaxweynaheennii ayaa na dulmiyay, ilaahoow wuu noo xoog sheegtay, ilaahoow wuu na dhacay, ilaahoow adiga na uuntay ee gargaarkaaga Xasan shiikh nooga qabo". War aaway indheerradka soomaaliyeed? aaway baarlamaankii? aaway culumadii? dhaqankii iyo abwaannadii meeyay? Runtii waa muuqaal aan ka shalaayay inaan daawaday.
Cali Yare Cali20,707 Aufrufe • vor 1 Jahr

Taariikh ahaan Sanbaloolshe abidkiis labo jeer ayuu doorasho madaxweyne codkiisa ka dhiibtay isaga oo xildhibaan ah, labadiiba wuxuu u codeeyay madaxweyne Daarood ah - 2017 oo uu codkiisa siiyay Omar Abdirashid iyo 2022 oo uu codkiisa siiyay Saciid Deni oo ah ninka uu markii labaad dhisi doono 2026 si sy qayaasi karaan inta aqoonta u leh waloow aanu hadda bannaanka is dhigi karin oo uu Hirshabelle u gaatamayo sii 2027 Ra'isalwasaare u qaato. Marka uu Omar Abdirashid codkiisa siinayay 2017-kii Xasan Shiikh ayaa ka dhigay Agaasimaha NISA, safiirka turkiga iyo safiirka Ingiriiska balse nasiib darro waa ku abaaldhacay. Isaga oo intaas og ayuu bixinta wareeysigaan ku dhiirraday August 2019 si uu u qaldo inta aan xogta dalka la socon. Meelaha aanay jirin qof soomaali ah oo Xasan Shiikh ku gaara ayeey kamid tahay markaan arko sida uu u wanaajiyay kooxdii garab-raratada aheeyd ee Daljir iyo Sanbaloolshe oo kale oo ah rag dhowr jeer qayaanay walina uu dhabarka ku wato. Waxaan jeclaan lahaa in wariyihii 5 sano ka hor wareeysigaan qaaday inuu maanta markale wareeysi kasoo qaado oo uu waydiiyo su'aal ah; Hawiye ayaa maanta madaxweyne ah, adiguna waxaad tahay agaasimaha sirdoonka dalka, wuxuuna taageero ka heystaa labo maamul [Hirshabelle iyo Galmudug] Koonfur Galbeed iyo Madaale] waxaa maanta gacantiisa ka maqan Daaroodkii caadiga ahaa ee maxaa maanta loo socon la'yahay Daaroodkii caadiga ahaa la'aantiis hadii la tixraaco wareeysigii aad bixisay 2019?
Cali Yare Cali20,288 Aufrufe • vor 1 Jahr

Wuxuu ka yimid Gobolka Togdheer gaar ahaan Buuhoodle, isaga oo sheegaya inuu Burco iyo Hargeysa ku soo koray wuxuu ka baxay dugsiga sare ee Faarax Oomaar oo Hargeysa ah, kadibna Gabileey ayuu ka shaqeeynayay kana noqday xog-hayaha degmada Gabileey balse qabiil ahaan waa Daarood/Harti/Dhulbahante, wuxuuna Muqdisho ka fuliyay in ka badan 10 qarax oo ay ku jiraan Qarixyadii lagu dhamaaday ee Soobe iyo EX-Koontarool Afgooye. Labadaas qarax oo kali ah tirada dhimashada iyo dhaawaca waxeey gaareeysay in ka badan 3,000 (SADDEX KUN OO QOF) Hantidada ku burburtay waxeey ka badneeyd 1.4 Bilyan Doollar, wuxuu agoon ka dhigay kumanaan Ubad soomaaliyeed ah, wuxuu asaay u saaray kumanaan hooyooyin ah, sidoo kale kumanaan hooyooyin ah ayuu dilay wiilashoodii iyo gabdhahoodii. Waxaan la iloobi karin qarixii Ambassador oo lagu dilay Xildhibaan Prof Guure iyo Xildhibaan Kaboweyne ee isagu fuliyay, sidoo kale qarixii Hotel Jazeera iyo saxafi Hotel oo aan ku weynay halyeeygii weeynaa Sarreeye guuto Cabdikariin Dhagabadan iyo ganacsade Abdirashid Ilqeyte. Hadda wuxuu ku jiraa gacanta dowladda. Maxaad jeclaan laheyd in mujrimkaan lagu sameeyo.
Cali Yare Cali16,160 Aufrufe • vor 1 Jahr

Kala-celinta Xasan-ka xadiisyada daliishada iyo Xasan-ka xasaradda iyo xumaanta abaabula.
Cali Yare Cali16,670 Aufrufe • vor 1 Jahr

Xasan, shalay wuxuu yiri "Saciid Dani iyo Madoobe Xalane ayay dagganyihiin oo Farmaajo inta madashii isku keeni waayay ayeey beesha caalamka ukeentay —hadde ogoow Xalanaha uu meel fog ka dhigayay waa uun isla Xamar'e. Afar sano kadib; Xasan, isagu madashii xataa Xalane waa isku keeni la'yahay, beeshii waa u keeni la'dahay xataa haddii uu dalalkii dariska dacwo ugu tagay. Madaxweyne bal markaanna adiga 🎤 isku qaado oo is-daawo.
Cali Yare Cali16,967 Aufrufe • vor 1 Jahr

Qeybta ugu cajiibsan casharkeenii taxanaha ahaa ee "minii la yaabo yaasiinka" ama labada Xasan loo yaqaan. Xasan-kii Marinaayo muxuu shalay ka aaminsanaa Ra'isalwasaarihii xilligaas, Laftagareen, Guudlaawe, Qoorqoor iyo Omar Finish? Xasan-ka Madaxyooya-se muxuu maanta ka aaminsanyahay isla Laftagareen, Qoorqoor, Guudlaawe iyo Gobolka Banaadir?
Cali Yare Cali13,260 Aufrufe • vor 1 Jahr
Keine weiteren Inhalte verfügbar