
Amb Mohamed Ali Nur (Americo)
@AmbAmerico • 213,651 subscribers
Director General @mportauthority . Founder & former CEO of @yasminforAll Presidential Candidate of Somalia in 2017. Former Somali Ambasador to Kenya 2007-2015.
Videos

Waxaa sharaf iyo farxad noo ah inaan Dekedda Muqdisho ku soo dhaweyno Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdisalaan Sheekh Xuseen. Intii uu booqashada ku guda jiray, waxaa Wasiirka laga siiyay warbixin ku saabsan hawlaha baaxadda leh, horumarka iyo mashaariicda ka socda Dekedda Muqdisho, iyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada dekedda. Maamulka Dekedda Muqdisho wuxuu uga mahadceliyay Wasiir Cabdisalaan shaqadii wanaagsanayd iyo kaalintii muhiimka ahayd ee uu ka qaatay horumarinta Wasaaradda iyo Dekedda Muqdisho intii uu xilka hayay. Mogadishu Port Authority
Amb Mohamed Ali Nur (Americo)33,926 görüntüleme • 1 ay önce

Dekedda Muqdisho ayaa maanta ku soo dhaweeynay Marina Seafood iyo doontooda Maaya Mooya, oo ka shaqaysa dhoofinta kalluunka Soomaaliyeed, iyadoo gaarsiisa suuqyada wadanka iyo caalamka. Waxaan bogaadiyay shirkadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhiirraday maalgashiga iyo dhoofinta khayraadka badeed ee dalka. Kalluunka Soomaaliyeed waa khayraad qaran; dhoofintiisuna waa fursad weyn oo lagu kobcin karo dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo dhaqaalaha buluugga ah. Mogadishu Port Authority Bashir Osman #Somalia
Amb Mohamed Ali Nur (Americo)25,008 görüntüleme • 1 ay önce

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hirshabeelle ayaa ka qayb galay daahfurka Iskuulka Hoose, Dhexe iyo Sare ee Yaasmiin, oo ay dhistay Hay’adda Samafalka Yaasmiin Yasmin Foundation . Iskuulkan wuxuu carruurta deegaanka siinayaa waxbarasho tayo leh oo bilaash ah, si ay u helaan fursad ay ku dhistaan mustaqbal wanaagsan. Waxbarashadu waa furaha horumarka, carruurteenna waa mustaqbalka #Soomaaliya .
Amb Mohamed Ali Nur (Americo)17,174 görüntüleme • 28 gün önce

Shaqaalaha Qeybta Maamulka iyo Qorsheynta ee Dekedda Muqdisho ayaa loo qabtay tababar lagu xoojinayo xirfadaha Falanqaynta Xogta (Data Analysis) iyo Diyaarinta Warbixinnada (Report Writing), si kor loogu qaado tayada maamulka, falanqaynta xogaha, iyo diyaarinta warbixinno tayo leh. Tababarkani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo tayada shaqaalaha iyo casriyeynta hannaanka maamulka ee Dekedda Muqdisho Mogadishu Port Authority
Amb Mohamed Ali Nur (Americo)24,126 görüntüleme • 1 ay önce

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya wuxuu calaamad u yahay bilow cusub oo lagu horumarinayo dhaqaalaha buluugga ah ee dalkeenna. Dekedda Muqdisho waxay ka go'an tahay horumarinta ganacsiga badda, casriyeynta dekedaha, iyo taageeridda dhaqaale buluug ah oo waara. Mogadishu Port Authority #Somalia
Amb Mohamed Ali Nur (Americo)13,829 görüntüleme • 1 ay önce
Daha fazla içerik yok.
