
Bashiir-Wabax
@BashiirWabax • 13,147 subscribers
Somali, Journalist And Activist Social media.
Shorts
Videos

رسالة من تحت الأنقاض في غزة 🇵🇸 إلى العالم، "بأيّ ذنبٍ قُتلت؟" لتصل الرسالة، شارك الفيديو مع من حولك وافضح جرائم الإحتلال في كل مكان A message from underneath the rubbles of #Gaza to the world, Do you want to know why she was killed? If you want to know, watch this video and Share #جمعة_طوفان_الأقصى #FreePalestine #FreeGaza #FreeGazaFromHamas
Bashiir-Wabax182,155 Aufrufe • vor 2 Jahren

Madaxwayne Jaalle Siyaad Wuxuu Ahaa Waddani Dhaba Oo ilaaliyey Qiyamka Dawladnimada, Sharafka, Qabka, Sumcada, Iyo Magaca Soomaaliyeed🇸🇴. Waxaan Kujiraa Bishii Khayrka Badnayd Ee Ramadaan Fadlan Aan U Ducayno Inuu Eebbe Wayne Jannooyinkiisa Ku Arsaaqo Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre Allahuma Amiin🤲🏻 Muuqaalkan Gaarsiiya Asxaabtiina Kuwa Ugu Wanaagsan 🇸🇴🙏
Bashiir-Wabax19,100 Aufrufe • vor 1 Jahr

Waa Qayb Kamida Qisadayda Nolosha Oo Dhamaystiran Maqal Muuqaal Iyo Qoraal, Markaad Caafimaad Qabto Waxaad Haysataa Haddiyadii Ugu Qaalisanayd Ee Eebe Ku Arsaaqo Adoonkiisa. Ma Jeclayn Kumana Fikirin Waligay Inaan Idinla Wadaago Qisadayda Gaarka Ah. Balse Maanta Ayaan Go'aan Saday Qayb Kamida Inaan Idinla Wadaago.Waxaanan Idinka Raali Galinayaa Wixii Qalbigiina Taabta Xanuujiya. Waa Imtixaana Noloshu. Alxamdulilaah. Haddafkasta Qorshe Kasta Oo Aad Noloshaada Udajiso Waxaa Ka Horeeyey Qorshihii Qadarkii Eebe. Bartamihii Sanadkii 2017 Ilaa Hadda 2022 Mudo Lix 6 Sano Ah Waxaan La Xanuunsadaa Dhaawac Iga Soo Gaadhay Shil Baabuur. Wuxuu Dhaawucu Iga Soo Gaadhay Xididada Dhabarka Neerfaha. Wuxuu Shilku Igu Dhacay Anigoo Wakhtigaa Guursaday Caruus Ah Reer Iyo Mustaqbal Dhisay. Waxaan Aaday Dhakhtar Ku Yaala Magaaladda Jigjiga Wuxuu Iisheegay Inaan Xanuunkayga Jigjiga Waxba Lagaga Qaban Karin. Waxaan Isku Wada Maray Hospitalada Jigjiga Tiraba 4 Dhakhtar Dhamaantood Waxay Igula Taliyeen Inaan Si DegDeg Ah Utago Dhakhtar Addis Ababa Ah. Waxaan Isku Diyaariyey Addis Ababa Bartamihii Sanadkii 2018 Ayaan Addis Tagay Baadhitaan Kadib Wuxuu Dhakhtarkii Iisheegay Inuu Xidhmay Cidhiidhi Galay Xididka Dhareerka Neerfaha Lafdhabarta Mara' Dr Wuxuu Sheegay Maadaama Xididada Dhareerku Maraan Inta Udhaxaysa Hilibka Iyo Lafaha Inuu Xididku Xidhmay Cidhiidhi Kaga Yimid Jugtii Shilkii Baabuurka. Dr Wuxuu Ila Wadaagay Haddii Aan Awoodo Inaan Aado Dalka Dibadiisa.Waxaan Usheegay Inaanan Awoodin Kharashka Aan Addis Ku Imid'Ba Ay Iga Saacideen Dad Ehelka Ah. Sidaa Darteed Aanan Horay Usii Socon Karin. Kadib Dr Kii Wuxuu Iisheegay Inaan Qaliin Isku Diyaariyo. Alxamdulilah Waxaan Galay Qaliinkii. 7 Maalmood Kadib Anigoo Hospitalkii Jiifa. Waxaa Foolatay Marwadaydii ilmihii Ugu Horeeyey Waxaa Lageeyey Hospitalka Rifilarka Shekh Xasan Yabaree Ee Jigjiga. Dhakhtarkii Wuxuu Sheegay Inayna Umulikarin Gabadhu'Qaliintahay. Waxaa Isoo Wacay Dhakhtarkii Jigjiga Wuxuu Igu Dhahay Gabadha Xaajigeedii Saw Adiga Ma aha? Haa Gabadha Iyo Ilmaha Midkeen Bad Baadinaa' Waxaan Kudhahay Alle Ayaa Waxbad Baadiya' Walaal Gabadha Bad Baadi. Kadib Gabadhii Qaliin Bay Gashay Saacado Kadibna Gabadhii Iyo Ilmihii Oo Nool Ayaa La Iisoo Sheegay. Qadar Alle Ilmihii 2 Saac Kadib Wuu Shafeecay😭. Kadib Drkii Wuxuu Dhahay Gabadhu Waa Bilaa dhiig. Waxaa La Raadiyey Dhiigii Waana lagu Shubay. Gabadhii Waxaa U Bilaabmay Xanuun Cusub Dhakhaatiirtii Waxay Dhaheen Waa Igfashin. Xaalada Oo Sidaa Ah Ana Addis Ababa Qaliinka Jiifo Marwadaydiina Qaliinka Jigjiga Jiifto Curadkii Qoyskuna Shafeecay. Ayaan Dhakhtarkii Addis Ka Soo Fasax qaatay Waxaan Imid Jigjiga Maalin Jimce Ah 5 Saac Galabnimo 3 August 2018. Maalinkii Xigtay Sabtidii Waxay Noqotay 4 August Ee Jigjiga La Burburiyey Magaalada Laga Qaxay. Anigoon Arag Booqan Karin Iyaduna Ayna Isoo Booqan Karin Xaalad Caafimaad Awgeed 2 Bilood Kadib Xaaskaygii Waxaa Loo Qaaday Dhakhtar Addis Ababa Ah. 2 Usbuuc Kadib Waxaa Dhamaaday Nolosheedii Halkaa Ayay Ku Geeriyootay Laguna Aasay😭 2018 Alle Ha Unaxariisto Amiin. Intaa Kadib Waxaan La Tacaalay Xanuunkaygii Tiraba 7 Jeer Ayaan Addis Ababa Utagay Qaliin Baadhitaan Iyo Daawo. Dhakhaatiirtu Waxay Igula Taliyeen Inaan Tago Dhakhtar Dalka Dibadiisa Ah Sida Hindiya.Turkiga.Jarmalka.Waxaan Inbadan Qalbiga Saaray Inaan Dhakhtar Dalka Dibadiisa Ah Tago Balse Iima Suuroobin Ma Awoodin Kharashkii Aan Ku Tagi Lahaa. Hadda Socodka Iyo Kicida Ayaa Culays Igu Ah Waxaan Qaataa Bakoorad Ul Aan Cuskado. Alle Ayaa Xanuunka Igu Keenay Isaga Unbaa Iga Qaadi Kara' Alle Unbaan Ka Baryayaa Inuu Iisoo Celiyo Caafimaadkii Uu Horay Iisiiyey Igana Qaaday. ALXAMDULILAAH ALXAMDULILAAH ALXAMDULILAAH. Anigoo Soo Koobay Balse Qoraalka Ayaa Dheeraaday Waxaan Idinka Raali Galinayaa Fariinta Aan Dheereeyey. Wixii Aan khal khalday Ama Katagay Waadka Raali Noqonaysaan Qalbiga Oo Isbad Badelayey Xasuustan Awgii. Ugu Danbayn Waxaan Idinka Codsanayaa Inaad Iigu Soo Ducaysaan Caafimaad Taama Inuu Alle Igu Arsaaqo. Waad Mahadsantihiin
Bashiir-Wabax18,394 Aufrufe • vor 1 Jahr
Keine weiteren Inhalte verfügbar