
Hersi Ali H. Hassan
@HersiAHassan • 19,516 subscribers
Chairman of WADDANI Party, The Ruling Party of Republic of Somaliland. Former Party Leader. Former Minister of Presidential Affairs
Videos

Waxa ii farxad ahayd in aan maanta ka qaybgalo munaasabaddii uu Madaxweynaha Qaranku ka jeedinayay khudbad-sannadeedka Dastuuriga ah ee 2025, isla markaana ku salaysnayd waxqabadkii uu xisbigu WADDANI ballanqaaday. Aad ayaan ugu faraxsanahay in Xukuumadda WADDANI ee Wadajir & Waxqabad ay 100-kii maalmood ee ugu horreeyay ay ku tallaabsatay waxqabad muuqda oo la taaban karo, waana yididdiilo hor leh, oo aan Ilaahay ka baryayo in uu nagu asturo wixii aannu bulshada u ballanqaadnay. Waxa aan si gaar ah u xusayaa waxqabadka la xidhiidha ciidammada, oo aannu si weyn ugu olalaynnay, sida ka muuqata muuqaalkan hoose, oo ah qayb ka mid ah khudbaddii aan ka jeediyay munaasabaddii 18May, 2024, maantana wax badan oo ka mid ah ballanqaadyadaasi ay ku qabsoomeen 100-kii maalmood ee ugu horreeyey! Sidoo kale, waxa aan ku ammaanayaa Madaxwayne Kuxigeenka JSL, mudane Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi, oo muujiyey odaytinnimo, karti iyo hawlkarnimo, waanan ku bogaadinayaa hawsha baaxadda leh ee qaramaynta Ciidammada Madaniga ah ee uu muddada dheer ka wado Gobollada Bariga. ISHAA MACALLINA! 👏
Hersi Ali H. Hassan12,938 views • 1 year ago
No more content to load