
OPM Somalia 🇸🇴
@SomaliPM • 669,396 subscribers
Official @X account of the Prime Minister of the Federal Republic of Somalia.
Videos

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si shaqsiyan ah ugu hambalyeeyay seddexdii arday ee kaalmaha hore ka galay intixaamka qaranka ee dugsiyada sare. RW ayaa ardaydan u sheegay in dowladda ay damaanad qaadday waxbarashadooda jaamacadeed ee heerka koowaad.
OPM Somalia 🇸🇴31,325 просмотров • 19 дней назад

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u furay Shir-weynaha Qaran ee Maalgashiga Beeraha iyo Nidaamka Cuntada Soomaaliyeed (NAFIS 2026), kaasi oo diirradda lagu saarayo xoojinta wax-soo-saarka gudaha, Horumarinta Beeraha iyo kobcinta Maalgashiga.
OPM Somalia 🇸🇴13,070 просмотров • 23 дней назад

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee magaalada Muqdisho, si uu uga tacsiyeeyo geerida ku timid Alle ha u naxariistee Amiirkii hore ee Dowladda Qatar, Marxuum Sheekh Xamad bin Khalifa Al Taani.
OPM Somalia 🇸🇴23,394 просмотров • 1 месяц назад

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la xiriiray dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.
OPM Somalia 🇸🇴31,304 просмотров • 7 месяцев назад

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo la hadlay shacabka Soamaaliyeed, ayaa la wadaagay guulihii laga gaaray Madasha Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuuna soo bandhigay halka uu maraayo shirka Golaha ee maalmahaan ka socda Magaalada Muqdisho
OPM Somalia 🇸🇴57,610 просмотров • 1 год назад

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada XJFS. Liiska xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa warbaahinta u akhrisay Agaasime ku-xigeenka Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Nasra Bashir Ali
OPM Somalia 🇸🇴64,887 просмотров • 2 лет назад

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan degdeg ah ku ansixiyay heshiis taariikhi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah, oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed – isaga oo ka hadlay ahmiyadda heshiiskani u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. 👇
OPM Somalia 🇸🇴65,815 просмотров • 2 лет назад

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farhan Jimale ayaa ka warramaya ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre uu ku tagayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, oo uu ku tilmaamay in uu yahay 𝗦𝗮𝗳𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗶𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮.
OPM Somalia 🇸🇴39,904 просмотров • 1 год назад

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlay xaaladda dalka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dhageysiga aragtida siyaasiyiinta ka aragtida duwan balse aan la aqbali karin in khalkhal la galiyo amniga iyo xasilloonida dalka.
OPM Somalia 🇸🇴13,569 просмотров • 3 месяцев назад

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta shir-guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray amniga dalka doorashooyinkii ka qabsoomay caasimadda iyo midnimada dalka.
OPM Somalia 🇸🇴15,400 просмотров • 8 месяцев назад

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre oo ka hadlay difaaca, qaranimada iyo midnimada bulshada, isagoo ku booriyay shacabka inay ilaaliyaan wadajirka iyo madaxbannaanida dalka. Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay iskaashi la samaysato dal kasta oo dan u ah dadka iyo dalka.
OPM Somalia 🇸🇴33,285 просмотров • 2 лет назад

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre , oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la horumariyo adeegyada garoonka Muqdisho ayaa maanta kormeer ku tagay qaybaha kala duwan ee garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.
OPM Somalia 🇸🇴16,567 просмотров • 11 месяцев назад

Raiisul Wasaare Hamza Abdi Barre “Gooni-isku-taag doonku, maanta waxa uu halis ku yahay dowladnimada, wadajirka iyo wada-noolaanshaha ummadda Soomaaliyeed; wuxuu halis ku yahay in dalka qayb kamid ah bad iyo barri ummado kale loo gacan geliyo oo loogu yaboohayo sidii loo soo dajin lahaa. Arrintaas oo halis ku ah jiritaanka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxaana dabar-go’aya afkii iyo dhaqankii Soomaaliga oo isaguna halis ku jira”
OPM Somalia 🇸🇴12,239 просмотров • 7 месяцев назад

“Waxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa nasiib wanaag ah in caawa Calanka Buluugga ah uu ka taagan yahay qeybo badan oo kamid ah gobollada waqooyi, waxaan joognaa xilligii ay dadka Soomaaliyeed ugu baahida badnaayeen nabad iyo midnimo, booqashada taariikhiga ah ee aan ku imid Laascaanood waa mid ka turjumasa adkaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
OPM Somalia 🇸🇴18,999 просмотров • 1 год назад