
OPM Somalia ๐ธ๐ด
@SomaliPM โข 669,396 subscribers
Official @X account of the Prime Minister of the Federal Republic of Somalia.
Videos

Raโiisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si shaqsiyan ah ugu hambalyeeyay seddexdii arday ee kaalmaha hore ka galay intixaamka qaranka ee dugsiyada sare. RW ayaa ardaydan u sheegay in dowladda ay damaanad qaadday waxbarashadooda jaamacadeed ee heerka koowaad.
OPM Somalia ๐ธ๐ด31,325 gรถrรผntรผleme โข 19 gรผn รถnce

Raโiisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u furay Shir-weynaha Qaran ee Maalgashiga Beeraha iyo Nidaamka Cuntada Soomaaliyeed (NAFIS 2026), kaasi oo diirradda lagu saarayo xoojinta wax-soo-saarka gudaha, Horumarinta Beeraha iyo kobcinta Maalgashiga.
OPM Somalia ๐ธ๐ด13,070 gรถrรผntรผleme โข 23 gรผn รถnce

Raโiisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee magaalada Muqdisho, si uu uga tacsiyeeyo geerida ku timid Alle ha u naxariistee Amiirkii hore ee Dowladda Qatar, Marxuum Sheekh Xamad bin Khalifa Al Taani.
OPM Somalia ๐ธ๐ด23,394 gรถrรผntรผleme โข 1 ay รถnce

โ๐ฎ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐, ๐๐๐๐๐ ๐บ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐, ๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐โ RW Xamsa Cabdi Barre
OPM Somalia ๐ธ๐ด23,097 gรถrรผntรผleme โข 2 ay รถnce

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan uu guddoominayey Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la xiriiray dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.
OPM Somalia ๐ธ๐ด31,304 gรถrรผntรผleme โข 7 ay รถnce

Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo la hadlay shacabka Soamaaliyeed, ayaa la wadaagay guulihii laga gaaray Madasha Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuuna soo bandhigay halka uu maraayo shirka Golaha ee maalmahaan ka socda Magaalada Muqdisho
OPM Somalia ๐ธ๐ด57,610 gรถrรผntรผleme โข 1 yฤฑl รถnce

Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada XJFS. Liiska xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa warbaahinta u akhrisay Agaasime ku-xigeenka Warfaafinta Xafiiska Raโiisul Wasaaraha Nasra Bashir Ali
OPM Somalia ๐ธ๐ด64,887 gรถrรผntรผleme โข 2 yฤฑl รถnce

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan degdeg ah ku ansixiyay heshiis taariikhi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha. Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah, oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed โ isaga oo ka hadlay ahmiyadda heshiiskani u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. ๐
OPM Somalia ๐ธ๐ด65,815 gรถrรผntรผleme โข 2 yฤฑl รถnce

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farhan Jimale ayaa ka warramaya ujeedka safarka Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre uu ku tagayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, oo uu ku tilmaamay in uu yahay ๐ฆ๐ฎ๐ณ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ถ๐ถ ๐ก๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ ๐ถ๐ฑ๐ป๐ถ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ.
OPM Somalia ๐ธ๐ด39,904 gรถrรผntรผleme โข 1 yฤฑl รถnce

Raโiisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlay xaaladda dalka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dhageysiga aragtida siyaasiyiinta ka aragtida duwan balse aan la aqbali karin in khalkhal la galiyo amniga iyo xasilloonida dalka.
OPM Somalia ๐ธ๐ด13,569 gรถrรผntรผleme โข 3 ay รถnce

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta shir-guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray amniga dalka doorashooyinkii ka qabsoomay caasimadda iyo midnimada dalka.
OPM Somalia ๐ธ๐ด15,400 gรถrรผntรผleme โข 8 ay รถnce

Raโiisul Wasaare Hamza Abdi Barre oo ka hadlay difaaca, qaranimada iyo midnimada bulshada, isagoo ku booriyay shacabka inay ilaaliyaan wadajirka iyo madaxbannaanida dalka. Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay iskaashi la samaysato dal kasta oo dan u ah dadka iyo dalka.
OPM Somalia ๐ธ๐ด33,285 gรถrรผntรผleme โข 2 yฤฑl รถnce

Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre , oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la horumariyo adeegyada garoonka Muqdisho ayaa maanta kormeer ku tagay qaybaha kala duwan ee garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.
OPM Somalia ๐ธ๐ด16,567 gรถrรผntรผleme โข 11 ay รถnce

Raiisul Wasaare Hamza Abdi Barre โGooni-isku-taag doonku, maanta waxa uu halis ku yahay dowladnimada, wadajirka iyo wada-noolaanshaha ummadda Soomaaliyeed; wuxuu halis ku yahay in dalka qayb kamid ah bad iyo barri ummado kale loo gacan geliyo oo loogu yaboohayo sidii loo soo dajin lahaa. Arrintaas oo halis ku ah jiritaanka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxaana dabar-goโaya afkii iyo dhaqankii Soomaaliga oo isaguna halis ku jiraโ
OPM Somalia ๐ธ๐ด12,239 gรถrรผntรผleme โข 7 ay รถnce

Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada. Afhayeenka Xukuumadda Farhan Jimale ayaa ku akhriyay liiska xubnaha la magacaabay.
OPM Somalia ๐ธ๐ด19,713 gรถrรผntรผleme โข 1 yฤฑl รถnce

โWaxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa nasiib wanaag ah in caawa Calanka Buluugga ah uu ka taagan yahay qeybo badan oo kamid ah gobollada waqooyi, waxaan joognaa xilligii ay dadka Soomaaliyeed ugu baahida badnaayeen nabad iyo midnimo, booqashada taariikhiga ah ee aan ku imid Laascaanood waa mid ka turjumasa adkaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeedโ, Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa.
OPM Somalia ๐ธ๐ด18,999 gรถrรผntรผleme โข 1 yฤฑl รถnce