
Jibril Qoobey
@JibrilQoobey • 14,974 subscribers
Jibril Qoobey
Shorts
Videos

Maleeshiyada la qabtay,waa 160 Nin oo iskugu jira..... 150 kasoo jeeda Beelaha HG. 8 Reer Kulbeer ah. Laba Beesha Jareerweyne ah. Waxay ahaayeen Maleeshiyo loo qoray Ciidanka Xasan Shiikh oo Xananbuure loo waday. Wadada,ayaa kasoo khaldantay oo lasoo gashay dhanka PL,waxaana ay usoo galeen Ciidamada PL oo heegan ku jira. Kuma jiraan Dad reer PL ah Maleeshiyadan. Maleeshiyadan,waxay hordhac utahay 700-Qof oo laga qorayo Koonfurta Mudug oo lagu darayo Maleeshiyada Xananbuure. Macno masamaynayaan sii hayntooda,kaliya,waxaa macno weyn noo leh in hay'adaheena amaanku heegan ku jiraan oo ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ka socda Koonfurta Mudug si joogta ah. Wax dayaca ma dhicin saakay. Maleeshiyadan iyo Gaadiidka ay wataan,waxaa la horgaynayaa Garsoorka. JQ.
Jibril Qoobey15,263 views • 1 month ago

The Puntland Maritime Police Force (PMPF), including both maritime and land units, seized the M.T. SIBU 1 after carrying out a planned 48-hour maritime operation. The vessel had been hijacked by a group of pirates on 20 August 2026. There were 47 pirates on board the ship targeted by Puntland forces. One pirate was killed, and four others were wounded. Security forces captured the remaining 42. One Puntland soldier was wounded during the operation. The pirates had demanded a $3 million ransom for the ship, which was scheduled to be handed over tomorrow. The captured ship and the pirates on board are currently being brought to Garacad Port and are expected to arrive within the next few hours. On land, Puntland military units are on standby to take custody of the vessel once it is brought ashore. Three other ships remain in pirate hands off the Puntland coast. Operations will be launched in the coming days against the three ships currently held by the pirates. Puntland is determined to put an end to piracy. JQ.
Jibril Qoobey12,571 views • 26 days ago

Waa xurmo daro ,bahdilid iyo isla weyni aan Diinta iyo bini'aadantinimada meelnana kasoo gelin jawaabta Sh.Mustafe. Ma'ahan hadii Dadku Diinta kugu karaameeyeen in aad isla waynaato oo yasto. Wiilkaas Makarafoonka sita,waxaa dhici karta in uu waayay fursad uu si caadiya ugu waraysto oo dantu ku kaliftay in uu daba ordo. Wax xun ma oran kaliya,wuxuu waydiiyay su'aal waaqiciya oo ahayd.... "Xaalka dalku meel adag,ayuu marayaa ee maxaad ka oranaysaa? Waxaa uga filnayd.... ( Adeer waa uducaynayaa). Sida Mustafe ujawaabta u celiyay,waa si ka baxsan xataa akhkaaqda Qof caadiya. Diintu,waa naxariis,xurmo iyo karaamayn. Nabi CSW,waxa ugu badan ee lagu soo raaci jiray,waxay ahayd dabacsanaantiisa iyo xurmadiisa. Meesha Shiikhu xayraan ka nqoday maxaa laga filayaa Dadka caadiga ah??? Sh.Mustafe,waa in uu raali gelin siiyaa guud ahaan Bulshada,gaar ahaan Wiilka uu ku tuntay,hadii kale tusaalaha uu bixiyay Berri ,isaga,ayaa lagula dhaqmayaa. JQ.
Jibril Qoobey20,362 views • 1 month ago

2040-ka Puntland muuqaalkan in ay yeelato,ayaan ka rabnaa oo astaanta caasimadeedu sidan noqoto. Waa ka gudbaynaa Cabdille iyo Qori uu Wiil ay ka muuqato duruuf adag dul saaran yahay. Waa ka gudbaynaa shaqo la'aanta baahsan ee jirta. Waa ka gudbaynaa Qabyaalada aan xuduuda lahayn ee soconaysa ilaa Qoyska hoose. Waa ka gudbaynaa Aqoonta aan tayada lahayn. Waa ka gudbaynaa adeega Caafimaad ee hooseeya. Hamigeenu,waa sareeyaa. JQ.
Jibril Qoobey27,834 views • 4 months ago

Ninkii Daarood ah oo aniga iga dheer Aduunka haku noolaado. Ceerigaabo xasilooni,ayaan ku celinay. Hogaamiyihii Sool Bari Fahima dib,ayaan ugu celinay Hargaysa. Dib uraac taariikhda Cali Khaliif,isagoo cabanaya,ayuu ku geeriyooday Jigjiga. Taariikhda Ninkii Daarood ah oo isku kaaya taaga jawaab fiican buu naga helaa. Ninkii na garabsada sida Axmed Madoobe,ayuu Boqor ahaada abid. Kusoo dhawaada xaqiiqda. JQ
Jibril Qoobey12,876 views • 3 months ago

Diyaaradaha Imaaraadku toos ayay uga soo dagayaan Hargaysa mana jiraan wax iska badalay. JQ.
Jibril Qoobey18,415 views • 9 months ago

Guulaysta reer SL. Gabdhahaas yar yar ee Somaliyed,waxay ku qanacsan yihiin ee ay u arkaan mustaqbalkooda,ayaan ku garab taaganahay. Haday nolol qurux badan,amni iyo sharaf ku helayaan Repuplic Of Somaliland maxaan uga xasdaynaa? Waa ugu hanbalyaynaynaa guulaha ay gaareen,waxaana urajaynayaa guulo kale. Muhiimadu,waa in Qofka Somaliga ah meel uu joogaba ku noolaado sharaf iyo karaamo. JQ.
Jibril Qoobey11,367 views • 6 months ago

Waa kala sareeyaan muuqaalka iyo maqaamka PL iyo SL.... 1.Haykalka Labis iyo baratakool ee Qofka akhrinaya wareegtooyinka,waxaa ku saraysa SL. 2.Goobta lagu shaacinayo,waxaa ku maqaam saraysa SL. Madaxtooyada PL,waxay ka liidataa Xaafiiska Warfaafinta iyo Afhayeenka. Ugu yaraan,waxay ku fiicnaan lahayd in lakala qaado oo Dowlada loo sameeyo Xaafiis Afhayeeneed oo ka madaxbanaan Warfaafinta Madaxtooyada. SL Xaafiiskaas,waa ka dhisan tahay. JQ.
Jibril Qoobey10,636 views • 6 months ago