
Jibril Qoobey
@JibrilQoobey • 14,696 subscribers
Jibril Qoobey
Shorts
Videos

Waa xurmo daro ,bahdilid iyo isla weyni aan Diinta iyo bini'aadantinimada meelnana kasoo gelin jawaabta Sh.Mustafe. Ma'ahan hadii Dadku Diinta kugu karaameeyeen in aad isla waynaato oo yasto. Wiilkaas Makarafoonka sita,waxaa dhici karta in uu waayay fursad uu si caadiya ugu waraysto oo dantu ku kaliftay in uu daba ordo. Wax xun ma oran kaliya,wuxuu waydiiyay su'aal waaqiciya oo ahayd.... "Xaalka dalku meel adag,ayuu marayaa ee maxaad ka oranaysaa? Waxaa uga filnayd.... ( Adeer waa uducaynayaa). Sida Mustafe ujawaabta u celiyay,waa si ka baxsan xataa akhkaaqda Qof caadiya. Diintu,waa naxariis,xurmo iyo karaamayn. Nabi CSW,waxa ugu badan ee lagu soo raaci jiray,waxay ahayd dabacsanaantiisa iyo xurmadiisa. Meesha Shiikhu xayraan ka nqoday maxaa laga filayaa Dadka caadiga ah??? Sh.Mustafe,waa in uu raali gelin siiyaa guud ahaan Bulshada,gaar ahaan Wiilka uu ku tuntay,hadii kale tusaalaha uu bixiyay Berri ,isaga,ayaa lagula dhaqmayaa. JQ.
Jibril Qoobey19,294 Aufrufe • vor 6 Tagen

2040-ka Puntland muuqaalkan in ay yeelato,ayaan ka rabnaa oo astaanta caasimadeedu sidan noqoto. Waa ka gudbaynaa Cabdille iyo Qori uu Wiil ay ka muuqato duruuf adag dul saaran yahay. Waa ka gudbaynaa shaqo la'aanta baahsan ee jirta. Waa ka gudbaynaa Qabyaalada aan xuduuda lahayn ee soconaysa ilaa Qoyska hoose. Waa ka gudbaynaa Aqoonta aan tayada lahayn. Waa ka gudbaynaa adeega Caafimaad ee hooseeya. Hamigeenu,waa sareeyaa. JQ.
Jibril Qoobey22,453 Aufrufe • vor 2 Monaten

Ninkii Daarood ah oo aniga iga dheer Aduunka haku noolaado. Ceerigaabo xasilooni,ayaan ku celinay. Hogaamiyihii Sool Bari Fahima dib,ayaan ugu celinay Hargaysa. Dib uraac taariikhda Cali Khaliif,isagoo cabanaya,ayuu ku geeriyooday Jigjiga. Taariikhda Ninkii Daarood ah oo isku kaaya taaga jawaab fiican buu naga helaa. Ninkii na garabsada sida Axmed Madoobe,ayuu Boqor ahaada abid. Kusoo dhawaada xaqiiqda. JQ
Jibril Qoobey12,876 Aufrufe • vor 1 Monat

Diyaaradaha Imaaraadku toos ayay uga soo dagayaan Hargaysa mana jiraan wax iska badalay. JQ.
Jibril Qoobey18,394 Aufrufe • vor 7 Monaten

Guulaysta reer SL. Gabdhahaas yar yar ee Somaliyed,waxay ku qanacsan yihiin ee ay u arkaan mustaqbalkooda,ayaan ku garab taaganahay. Haday nolol qurux badan,amni iyo sharaf ku helayaan Repuplic Of Somaliland maxaan uga xasdaynaa? Waa ugu hanbalyaynaynaa guulaha ay gaareen,waxaana urajaynayaa guulo kale. Muhiimadu,waa in Qofka Somaliga ah meel uu joogaba ku noolaado sharaf iyo karaamo. JQ.
Jibril Qoobey11,364 Aufrufe • vor 4 Monaten

Waa yaqyaqsi,ilhaamo,foolxumo iyo nasiibdaro,waxa Koonfurta Dalka ka dhacaya. Gabar sinjiga Somaliyed sheeganaysa in Askari Burundi ah ku khasbo in ay la seexato,iyadoo baadigoobaysa... 1.Biyo ay cabto. 2.Raashin ay Cunto. 3.Dawo. Raga Madaxda ka ah Koonfurta ee ugu yaraan ku filnaan waayay in ay Gabdhahaas asturan baahiyahooda asaasiga ah in Somalinimo lala sheegto ma mudna. Anagoo dhan ayay hadalkii naga xireen,waxayna Magacii Somaliyed ka dhigeen wax laga cararo. JQ.
Jibril Qoobey37,466 Aufrufe • vor 2 Jahren

Halkani,waa Adis-ababa Caasimada Shucuubta kala duwan ee Itoobiya iyo Xarunta Midowga Afrika. Waa Amni iyo Magaalo Itoobiyaanku usiman yahay,isla markaana Dibomaasiyiinta Caalamku aaminsan yihiin. Muuqaalkeedu,waa muraayad lagaga tusaale qaato Nidaamka,ilbaxnimada iyo jiritaanka Qofka Itoobiyaanka ah. Somalida 20-kii Sano ee udanbeeyay,hay'adaha Fadaraalka,waxay ku Shaqaynayeen Xamar oo Caasimad noo ah. Xamar,waa Magaalo burbursan,Amni ahayn,loo sinayn,Nadaafadeedu Dhulka taal oo lagu tilmaami karo God Dhurwaa. Muuqaalka Muqdisho,waxa uu astaan uyahay muuqaalka Qofka Somaliga ah. Uma qalanto in sii ahaato Xarun Somaliyed,mana matali karto Sinjiga Somaliga ah. Xalka Somalidu,waa in ay kala noolaato oo kala tashato xaqiiqdii. Somalidu isma qaadan karto ismana aqbali karto ee hakala noolaato. Isku fahan ma'ahan. Isku ilbaxnimo ma'ahan. Isku garasho ma'aha. Isku han ma'ahan. Isku rabitaan ma'ahan. Isma jecla. Qof walba oo Niyad uhaya midnimada,waxaa soo xiraya Dhaqanka, Aragtida iyo Muuqaalka Muqdisho yaala. JQ.
Jibril Qoobey29,037 Aufrufe • vor 1 Jahr

Waa sababta kaliftay in Xasan ka fiirsado tagidiisa Degmada Laascaanood ee muranka ku jirta. Sida xoguhu cadaynayaan weftigii Wasiirkii arimaha dibada Israa’iil,waxaa la socday Deeq Hub casri ah oo SL loo keenay. Sidoo kale Mw Cirro,wuxuu kulan la qaatay Saraakiishiisa Ciidanka,waxaana xogaha laga helayo kulankaas xaqiijinayaan in awaamiir cad cad lakala qaatay. SL ma eegan doonto Xasan oo kasoo degay Degmada Laascaanood ee laysku haysto. JQ.
Jibril Qoobey11,767 Aufrufe • vor 7 Monaten

PL iyo SL,waa isqaateen xaqiiqdii,hadii Ciidankii dabaaldagayaan.
Jibril Qoobey19,035 Aufrufe • vor 1 Jahr