
Fahad Yasin فهد ياسين
@FahadBinYasin • 63,104 subscribers
National Security Advisor & Director of National Intelligence Agency, #Somalia (2018-2022). | مستشار الأمن القومي ومدير المخابرات الوطنية الصومالية.
Shorts
Videos

Waa sababta aan ugu celceliyo, in Madaxweyne William Samoei Ruto, PhD, uu abaal weyn u galay Soomaalida. Madaxweyne Ruto, waxaan ku leeyahay anigoo ku hadlaya magaca Qawmiyadda Soomaalida, waxaan kuu aqoonsannahay inaad tahay hoggaamiye taariikhda Soomaalida qarniyaal ku xusnaan doona. Sidoo kale, inaad tahay Madaxweynihii ugu horreeyey ee Kenya ee raalli galin siiyay ummadda Soomaaliyeed. Shukran Madaxweyne.
Fahad Yasin فهد ياسين64,405 просмотров • 11 дней назад

I have said time and again that Somalis are deeply indebted to President William Samoei Ruto, PhD, and on behalf of the Somali nation, I wish to recognize you as a leader who will be remembered in our history for generations to come. You are also the first President of Kenya to offer an apology to Somali citizens, and for that, we are grateful. Thank you, Mr. President.
Fahad Yasin فهد ياسين53,980 просмотров • 11 дней назад

Abwaan Singub iyo Sooyaalka Suubbanaha: Waa af-maal, waana Alle yaqaan. Eebe ha u naxariisto.
Fahad Yasin فهد ياسين80,724 просмотров • 1 год назад

KU: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud KA: La taliyihii hore ee aAmniga Qaranka, Fahad Yaasiin Ujeedo: Dacwad Masuul la Aaminay Salaanta Islaamka kaddib, Sidaan ognahay Madaxweynaha Jamhuuriyadu waa ilaaliyaha danta guud. Waajibaadkiisa waxaa kamid ah inuu dhawro hantida qaranka iyo tan gaarka loo leeyahay labadaba. Mudane Madaxweyne, waxaan ashtako ka nahay muwaadin awood buuxda leh oo ku xad gubaya hantidii qaranka; 1. Iyadoo aanan la diyaarinin shuruucdii iibka hantida guud ee qaranka ayuu ninkaasi beecinayaa dhulalkii danta guud, isagoo ku iibinaya xaraash iyo xoolo jaban. 2. Lacag lagu sheegay qiimaha dhulalka danta guud, iyadoo boorsoooyin lagu sido, ayaa si toos ah loogu geeyaa gurgiisa. Awoodaas lacag qabashada yaa siiyey? 3. Xisaabiyihii Guud, iyo Hanti Dhawrihii Guud ee Qaranka labadiiba way ka aamusan yihiin, ee bal masuuliyiintaas la hadal, oo ha furaan galal fatashaad iyo baaris ah si ay warbixin uga soo diyaariyaan, oo kuugu keenaan. Mudane Madaxweyne, waxaan kaa rejaynayaa inaad gacanta qabato muwaadinkaas ku hawlan ku tagri falka iyo ku danaysiga shakhsiga ah ee hantidii danta guud.
Fahad Yasin فهد ياسين65,974 просмотров • 1 год назад

Anigoo tixraacaya hadalka Madaxweynaha ee ahaa qofkii Madaxda wax ka sheega isbitaal hala geeyo oo nafsiyan haloo baaro, waxaan soo jeedinayaa in isbitaalka cusub ee Hodan Hospital laga furo qayb u gooni ah dhimirka iyo cudurrada keena isku dhex yaaca. Qeybtaas waxaa lagu baarayaa xaalada caafimaad ee Madaxda Qaranka iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka, kadibna natiijada baaritaankaas loo fasaxo iney dadweynaha daalacdaan.
Fahad Yasin فهد ياسين61,098 просмотров • 1 год назад

Nin baa bari magaalo usoo adeeg doontay. Badeeca walba qiimihii uu ku ogaa waxbaa lagu sii daray. Markii uu adeeggii soo dhammaystay buu Masjid soo galay iyada oo Taraawiix la tukanayo. Markii lasii marayay 8 rakcadood buu ka baxay masjidkii. Baadiyihii kolkuu ku laabtay ayaa la yiri, magaalo ka warran? Wuxuu yiri, wax walba sidii aad ku ogaydeen waa la baddalay, xitaa salaaddii cishaha iyada oo 8 rakcadood sii dhaaftay baan ka soo tagay. Haddeer, Madaxweyne Xasan wax walba sidii loogu dhiibay wuu beddalay. Dastuurkii heshiiska lagu wada ahaa wuxuu ku beddalay mid kala dhantaalan. Maamulladii sharciga ku joogay wuxuu ku beddalay IDMANAYAAL. Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah wuxuu ku beddalay loo joojin maayo iyo yaa jeenan noo haya. Doorasho heshiis lagu yahay, wuxuu ku beddalay Xisbi weyn iyo kaligay baa isla tartamaya. Golihii Madasha Qarankana, wuxuu ku beddalay Golaha Sare ee Kacaanka. Waxay ku soo wada dhammaan doontaa, hal subax inuu soo miyirsado oo waxaas oo dhan uu halmar wada daadiyo. Iga indho adag nin dhagax la hardamay!
Fahad Yasin فهد ياسين53,196 просмотров • 1 год назад

Xikmadaha Yamanta waxaa ka mid ah; أن تأتي متأخراً خير من أن لا تأتي. Inaad soo daahdo waxay dhaantaa inaadan imaanin. Madaxweyne Xasan, saddex bilood kaddib inuu guddi magacabayo oo uu dhanka Puntland usoo jeestay waa talaabo wanaagsan. Waxaa habboon in Maamulka Puntland ay niyad sami ku soo dhaweeyaan, lana shaqeeyaan Dowladda Federaalka. Madaxweyne Saciid Dani, waa inuu ka weynaado siyaasada ku dhisan INYOOW!
Fahad Yasin فهد ياسين55,248 просмотров • 1 год назад

Khudbada Madaxweynaha waan wada dhagaystay. Waa khudbad macquul ah oo dhiirrigalin mudan. Waxaan ku talinayaa in la ajiibo gogosha uu Madaxweynaha fidiyey oo la soo wada dhaweeyo. Madaxweynaha, hadba inta uu ogolaado in lagala shaqeeyo ayaa wanaagsan in lala qabto. Xaaladda uu dalku ku jiro waa mid nagu khasbaysa wadajir iyo midnimo.
Fahad Yasin فهد ياسين48,201 просмотров • 1 год назад
2:24
Sensitive content
This media may contain sensitive content.

Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil oo kala sharxaya siyaasadda teeda wanaagsan iyo teeda wareersan.
Fahad Yasin فهد ياسين48,610 просмотров • 1 год назад

𝐋𝐈𝐁𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐎𝐎 𝐋𝐀 𝐐𝐈𝐑𝐀𝐀 𝐐𝐔𝐃𝐇𝐄𝐄𝐃𝐔 𝐖𝐀𝐀 𝐋𝐈𝐁𝐈𝐍 𝐊𝐀𝐋𝐄 Quurista iyo hab dhaqanka suuban ee qarannimo waxay ahayd in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qiro dowrkii hogaamineed ee uu Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadiisii ay ku lahaayeen guushii laga gaaray xubinnimada aan joogtada ahayn ee golaha amaanka. Markii ay maxkamadda cadaalada ku dhawaaqday go’aankii muranka badda waxaa lawada xusuustaa sidii deeqsinimada lahayd ee uu Madaxweyne Farmaajo u amaanay dowrkii qaran ee uu gutay Madxaweyne Xasan Sheekh. In Madaxweynaha fadhiya uu u quuri kari waayey libinta Madaxweynihii ka horreeyay, waxay astaan iyo calaamad u tahay kala duwanaanta maskax qaran iyo maskax qofeed. 𝗛𝗮𝗺𝗯𝗮𝗹𝘆𝗼 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮.
Fahad Yasin فهد ياسين65,764 просмотров • 2 лет назад

𝐐𝐚𝐲𝐛𝐨 𝐍𝐢𝐧𝐤𝐞𝐞𝐝𝐚𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐨 𝐇𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐅𝐚𝐡𝐚𝐦𝐧𝐚𝐲.
Fahad Yasin فهد ياسين45,512 просмотров • 1 год назад

Buugga Mohamed Affey ee “Baadigoobkii Nabadda Geedka” wuxuu soo gudbinayaa xog waafi ah iyo macluumaad qotodheer oo iftiiminaya dadaalladiisii baadigoobka nabadda ee Geeska Afrika. Waxaan ku talinayaa cid walba oo awoodda in ay buuggaas dhuuxdo.
Fahad Yasin فهد ياسين19,151 просмотров • 6 месяцев назад

قصيدة قيام الليل. بصوت القارئ الصومالي. الشيخ حسن الواجدي.
Fahad Yasin فهد ياسين33,877 просмотров • 1 год назад

Booqashada Mowlaca Macalin Nuur waxay dib u celisay xusuustayda 40 sano kahor. Waa xarun diinta lagu barto, haddana nolosha aadanaha ee kale kaalin wayn ku leh sida siyaasadda, handasada iyo culuumta kale ee nolosha aasaaska u ah. Waxaan u mahaccelinayaa Khaliif Cabdulqaadir Macalin, Xerta Mowlaca iyo ardayda wax lagu baro intaba.
Fahad Yasin فهد ياسين14,120 просмотров • 4 месяцев назад

Madaxweynaha Kenya William Ruto markii ay kaceen dhallinyaradii waddankiisa oo ay ka cawdeen dowladdii, wuxuu u hoggaansamay codsigooda oo wuxuu kala diray xukuumaddii, wado kasta oo uu ku qancin karo dhallinyaradaas ayuu isku dayey. Madaxweyne Xasan Sheekh halkii laga sugayey rajo curin, shaqo abuur iyo garowshiiyo hoggaamineed ayuu la murmayaa da’yartii, warkoodiina dafiraad iyo diidmo ayuu kala hortagay. Waligay ma arag Madaxweyne shacabkiisi markay shiid iyo rafaad nololeed ka cawdeen ugu jawaabaya Khawaraij ayaad tihiin. Sababtu waa laba arrimood; Mid waa ODAYGA oo kaligiis duul ah oo isku filnaasho buuxa gaaray. Midda labaad, dhallinyarada Soomaaliyeed oo aan abaabulneyn oo aanu Duqu ka qabin casbi khatar ku ah xukunkiisa. Waxaase la yaableh Madaxweyne ku doodaya doorasho dadweyne ayaan dalka ka qabanayaa, dhallinyarada Soomaaliyeedna uma baahni codkooda.
Fahad Yasin فهد ياسين41,090 просмотров • 1 год назад

Bulsho yahay qoraalkiyo taariikhdu waa buug Nin walbaa bog furan iyo beyj “Page” buu ku leeyahay Belaayooyinkii dhacay iyo Baasihii jiray, Wixii baxar lasoo maray Nin badbaadshay qarankiyo Bar madow ninkii lihi Isma baadi raacaan 𝗔𝗯𝘄𝗮𝗮𝗻 𝗖𝗶𝘀𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗞𝘂𝗷𝗮𝗿𝗲
Fahad Yasin فهد ياسين34,267 просмотров • 2 лет назад